Liverpool iyo Tottenham oo u soo baxay afar dhamaadka koobka kooxaha Yurub

Kooxaha reer Ingiriis ee Liverpool iyo Tottenham ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, waxayna ku biireen Barcelona iyo Ajax.

Tottenham ayaa ku soo baxday sharciga goolasha, kadib markii ay Manchester City garoonkeeda Etihad uga badisay 4-3, halka lugtii hore ay Tottenham ku soo adkaatay 2-1, waxayna wadarta goolasha labada kulan noqdeen 5-5.

Kulanka Manchester City iyo Tottenham ayaa ahaa mid xiiso badan, waxaana 21 daqiiqo ee ugu horeeyay la dhaliyay 5 gool, halka wakhtigii dheeriga ee lagu daray dhaceen labo farxadood iyo labo murugo, Manchester City ayaa u dabaal degtay gool Offside ahaa, balse daqiiqad ayaa la diiday, waxayna marka kale farxad u dabaal degtay Tottenham.

Tottenham oo markii labaad timi taariikhda afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa ku aaday kooxda Ajax.

Dhanka kale Liverpool ayaa si sahlan uga soo baxday afar dhamaadka tartankan, kadib markii ay FC Porto oo ay marti u ahayd uga adkaatay 3-1, waxayna wadarta labada kulan ku soo baxday 6-1.

Liverpool oo sanadkii labaad oo xiriira siddeed dhamaadka tartankan ku reebtay FC Porto ayaa ku aaday Barcelona.

PUNTLAND POST