Kulan u dhexeeya dowladda hoose ee degmada Garoowe iyo dadweynaha ku nool caasimadda oo su’aalo lagu weydiinyay mas’uuliyiinta degmada, ayaa xalay ka qabsoomay hoteelka New Rays ee magaalada Garoowe.
Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb-galay, maamulka degmada Garoowe, xildhibaannada golaha degaanka, mas’uuliyiinta hay’adda KAALO oo taageeraysay barnaamijkan, aqoon-yahanno, waxgarad, culimo ganacsato iyo dadweyne isaga yimid xaafadaha magaalada Garoowe.
Su’aalaha ay kulanka dadweynuhu ku weydiinayeen mas’uuliyiinta degmada Garoowe, ayaa la xiriiray isla’xisaabtanka iyo daah-furnaanta qorshaha iyo miisaaniyadda ay dowladda hoose u diyaarisay horumarinta caasimadda Garoowe.
Ugu horrayn, Cabdiraxmaan Bin-Diiriye oo ka tirsan xildhibaannada golaha degaanka Garoowe, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka kulanka, isagoo sheegay in hindisahan ka dhashay kalfahdigii 26 aad ee u soo xirmay golaha degaanka, si dadweynaha caasimadda fursad loogu siiyo in ay su’aalo weydiiyan mas’uuliyiinta degmada, islamarkaana ra’yigooda ku darsadaan qorshaha horumarinta caasimadda.
Nuur Shire Cismaan oo isna ku hadlayey magaca hay’adda KAALO oo taageeraysay barnaamijkan, ayaa sheegay in kulankan uu yahay kii ugu horreeyay oo noociisa ee lagu qabto guud ahaan Soomaaliya, maadaama su’aalo lagu weydiinayo mas’uuliyiin dowladeed oo u diyaarsan isla’xisaabtan iyo daah-furnaan.
Sidoo kale, maamulka dowladda hoose ayuu ku ammaanay in ay hormuud u yihiin dowladaha hoose ee ka jira magaalooyinka Soomaaliya, islamarkaan ay dhiirri-gelin iyo tusaale u yihiin isla’xisaabtanka iyo daah-furnaanta hay’adaha kale ee dowladda Puntland.
Dhankooda mas’uuliyiinta degmada Garoowe ayaa si faahfaahsan dadweynaha ugu soo bandhigay waxqabadkoodii mudada ay xilka hayeen, qorshaha wakhtigan u diyaarsan iyo miisaaniyadda u qoondaysan ee ku baxaysa horumarinta caasimadda.
Ugu dambeyntii duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda hoose ayaa kulanka lagu weydiiyay su’aalo ku saabsan horumarinta caasimadda ee dhinacyada amniga, bilicda&nadaafadda, dhismaha waddooyinka, arrimaha bulshada, qorshaha nidaaminta magaalada, habka maamulka lacagaha, shaqaaleysiinta iyo arrimo kale oo la xiriira shaqadooda.
Duqa iyo mas’uuliyiintii kale ee degmada ayaana si furan oo faahfaahsan uga jawaabayey su’aalaha, iyagoo dhinaca kale talooyin ku aaddan horumarinta degmada ka dhegaysanayey dadweynaha, ballana-qaaday in ay qorshaha ku darsan doonaan talooyinka muhiimka ah ee loo jeediyay.
halkaan ka eeg sawirrada














PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.