Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku leh Muqdisho

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayaa arrima la xariira dhageysiga warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo  Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

Xildhibaanada ayaa xalay loo diray fariimo ku aadan qamsoomida kulanka maanta.

Xildhibaanada ayaa baryihii la soo dhaafay kulamo xasaasi oo looga hadlayay amniga ku yeelanayay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Waxaa goor hore lasii xiray wadooyinka soo gala xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Puntland Post