Boosaaso: Booliiska Puntland oo weeraray guri uu leeyahay sarkaal ciidan

Guriga sarkaalka oo lagu hareeraysanyahay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegay in ciidamada Booliiska Puntland ay duhirnimadii maanta hareereeyeen guriga taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska gobolka Bari G/dhexe Axmed Abshir Axmed Jaraale kadib uu diiday in uu wareejiyo hub dowladdu leedadahay.

Ciidamada Booliiska oo wata gaadiidka teknikada iyo ilaalada sarkaalkan ayaa mudda saacado ah is horfadhiyay waxaana halkaasi laga maqlayey rasaas goos-goos ah inkastoo markii dambe si nabdoon loo kala qaaday labadii ciidan kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay goobta gaareen.

Mas’uuliyiinta  goobta tegay waxa kamid ah wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan taliyahay Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo wasiirkii hore Amniga Puntland Gen Cabdullaahi Siciid Samatar kuwaasi oo ku guulaystay in la joojiyo dagaal halkaasi ka dhaca.

Wararka ay Puntland Post heyso ayaa sheegaya in taliyaha Booliiska Puntland uu marar badan sarkaalkan ku amray in uu soo wareejiyo hub dowladdu leedahay oo uu gurigiisa geystay mudadii uu xilka hayay balse uu diiday in uu wareejiyo.

G/dhexe Jaraale oo ahaa taliye ku xigeenka ahna ku simaha taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa xilkaasi laga qaaday 23 bishii Maarso ee sannadkan kadib markii taliye cusub loo magacaabay qeybta gobolka Bari.

Faahfaahinta kala soco Puntland Post