Roobabkii gu’ga oo ka curtay meela kamid ah Puntland

Sawirkan waa mid hore maaha roobabkii xalay

Iyadoo degaannada Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyadaba saamaysay ayaa xalay meelo kamid ah Puntland waxa ka da’ay roobab lagu diirsaday.

Kadib markii saaka warbaahinta Puntland Post xiriir la samaysay degaanno kala duwan oo Puntland ka tirsan ayaa meelaha qaar la soo sheegaya in roobabkii gu’ga ka curteen inkastoo ay yar yihiin degaannada roobsaday.

Tuulada Ceeley oo qiyaastii 40km dhanka bari ka xigta magaalada Qardho ee xarunta gobolka  Karkaar ayaa xalay roobsatay kadib markii hogol biya-qaad ah ku hoortay tuuladaasi iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Roobka Ceeley iyo nawaaxigeeda  ka da’ay ayaa buuxiyay  guud ahaan dhulka biya-qabatinka leh iyo balliyada iyadoo halkaasi ay ka jirtay abaar iyo biya la’aan daran.

Dhanka gobolka Nugaal tuulada Xaar-xaar oo ka tirsan degmada Buurtinle iyo miyiga hoos yimaada tuulada ayaa xalay roobsaday sida uu sheegay qof gaari ku soo maray laamiga.

Sidoo kale  degaannada Puntland qaarkod ayaa saaka lagu waaberiistay daruuro biyaysan oo cirka ku marriiman.

Xogta wararka roobka mar walba kala soco Puntland Post