Tiro dad ah oo xalay lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Dulleeda Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan saddex oo la socday hal gaari ayaa kooxo hubeysan ay xalay ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysan dilka dadkan oo lagu sheegay shacab.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay xalay fiidkii dilkaan ka geystay isgoyska Ceelasha-biyaha, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah shacabkii ka barakacay Muqdisho xilliyadii dagaallada iyo kuwo kale oo horay deegaanka u deggenaa.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddexda qof lagu dhex-dilay gaariga, isla markanaa uu illaa saakay yaallay goobtii lagu dilay xalay, kooxihii falkaas geystayna ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale, shacabka deegaanka ayaa sheegay in dadka dilka geystay aan la garanayn cid ay ahaayeen, sidoo kalena aan la garan weli dadkii dilka loogu geystay deegaankaas.

Inta badan dilalka noocan oo kale ah ayaa waxaa geysta Al-shabaab oo ka ag-dhaw deegaankaas iyo kuwa kale ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, mana ahan markii ugu horreysay oo dil noocan oo kale ah uu ka dhaco isla deegaanka Ceelasha biyaha.

Dhanka kale, Hay’adaha amniga dowladda ayaan ka hadlin dilka xalay loogu geystay saddexda qof deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaase saakay xiisad laga dareemayaa deegaankaas oo dad badna ay daggan yihiin.

Ugu dambeyn, Falkaan ayaa wuxuu imaanayaa xilli maalimihii u dambeeyay ay  hawl-gallo is-daba-joog ah ciidamada DF ay ka wadeen Ceelasha-biyaha, kuwaasoo lagu shaaciyay in lagu helay kaydkii hubka ee ugu weynaa ee ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas.

PUNTLAND POST