Dowladaha Puntland iyo Imaaraadka Carabta oo ku heshiiyay in dib loo bilaabo dhoofinta xoolaha Puntland

Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiinta Ganacsiga UAE

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay dalka Imaaraadka Carabta kula heshiisay in sida ugu dhakhsaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha Puntland ee loo iib-geeyo waddanka Imaaraadka.

War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kulan muhiima magaalada Dubai kula qaatay wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka Carabta, islamarkaana la’iska meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan dib loogu bilaabo dhoofinta xoolaha Puntland oo ay hore u joojisay dowladda Imaaraatiga.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay ka go’antahay horumarinta, qaabaynta, maalgelinta iyo sugidda amniga Puntland ayaa kulamo kale oo muhiima la qaatay Wasaaradda Ganacsiga dalka Imaaraadka, iyadoo mar-labaad laga wadahadlay dib u yagleelidda ganacsiga xoolaha nool, waxaana si buuxda la isula meeldhigay in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weli ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sida qorshaysan caawo kulan la qaadan doona jaaliyadda Puntland ee waddanka Imaaraadka Carabta oo uu kala hadli doono sidii ay  uga qeyb-qaadan lahaayeen horumarka iyo maal-geshiga ka socda gudaha Puntland.

PUNTLAND POST