Dibad-bax ka dhan ah Waddooyinka Xiran ee Muqdisho oo ka socda qaybo ka mid ah Xamar

Muqdisho (PP) ─ Dadweyne iyo wadayaasha gaadiidka oo ka careysan xirnaashaha waddooyinka Muqdisho ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigaya qaybo ka mid ah caasimadda, kuwaasoo sheegay inay dalbanayaan in loo furo waddooyinka xiran.

Bannaan-baxayaasha oo u badan darawallada gaadiidka dadweynaha eek a shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedaan in waddooyinka la xiro lagana qaado lacago badan oo maalinle ah.

“Lacago badan ayaa nalaga qaadaa maalin walba, waxba nagama dhibeyso balse waxaa wanaagsan in naloo furo waddooyinka xiran, maantana sidaas ayuu bannaan-baxeennu ku saabsan yahay, waxaana ku dhawaaqnay shaqo joojin,” ayuu yiri mid ka mid ah darawal ka mid ah dadkii bannaan-baxa ka qayb-qaadanayay.

Gaadiid badan ayaa dhooban isgoyska Ex-koontarool Afgooye, kuwaasoo la sheegay inay ka mid yihiin kuwi shaqeyn jiray oo maanta ku dhawaaqay in ay joojiyeen shaqadoodii, sababo la xiriira cabashadooda.

“Waxaan nahay dadka ku shaqeysta gaadidka BL-ka loo yaqaan, meel aan marno malahan, waxaan diyaar u nahay inaan shaqada joojino, meel kasta waan ku bannaan-baxaynaa, Ex-koontarool 43,000 oo shillin ayaa nalooga qaadaa socod walbaa oo Afgooye aan ka imaanno, haddana meel aan ku shaqeysanno ma haysanno,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, dibadbaxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay shacabka Muqdisho dhigayeen dibadbaxyo ka dhashay dilalka loo geysto darawallada bajaaj-ta iyo xirnaashaha waddooyinka Xamar.

Ugu dambeyn, Dibadbaxan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo la sheegay in dad lagu qabqabtay dibadbax maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho la soo taagi doono maxkamad, kaddib markii lagu tilmaamay inay yihiin rabsho wadayaal.

PUNTLAND POST