
Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland, S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa taliyaal cusub u magacaabay kantaroolka magaalada Boosaaso iyo taliska saldhiga Baalade.
Taliyaha Rugta kantaroolka magaalada Boosaaso ayaa loo magacaabay, Dhamme Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale), halka ku xigeenkiisa loo magacaabay, Xiddigle Axmed Ciise Ducaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliiska Puntland.
Sidoo kale, Xiddigle Cabdirashiid Salaad Maxamed ayaa loo magacaabay, taliyaha saldhiga Booliiska xaafadda Baalade ee magaalada Boosaaso.
Halkaan ka akhriso

PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
You must be logged in to post a comment.