Dowladda Puntland ayaa maanta oo Axada gebi ahaanba mamnuucday soo dejinta, dhoofinta iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan oo laga tix-raacay dikreeto madaxweyne ayaa lagu sheegay in guud ahaan Puntland laga mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada.
Isla dikreeta waxaa lagu mamnuucay in gaadiidka iyo dadka hubaysan aysan geli Karin garoomada diyaaradaha Puntland iyo dekedda magaalada Boosaaso, marka laga reebo mas’uuliyiinta dowladda oo keliyah.
Halkan la akhriso



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.