Madaxda Hay’adaha Amniga oo Maanta hor-tagaya Xildhibaannada Baarlamaanka DF

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeelanaya xaruntooda Muqdisho, kaasoo looga doodi doono amniga caasimadda, waxaana kulanka uu noqon doonaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin.

Kulanka maanta ayaa waxaa looga yeeray madaxda hay’adaha amniga dalka oo ay ka mid yihiin; wasiirka amniga Qaranka iyo taliyeyaaha ciidamada kala duwan ee dowladda, iyadoo kulanka inta uu socdo aanay ka bixi doonin wax xog ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kualnka maanta uu nqoon doono mid ay saxaafaddu dibad-joog ka tahay, inkastoo aan la ogeyn sida ay ku aqbali doonaan xidhibaannadii horay uga soo horjeestay in saxaafadda laga saaro kulankii amniga looga hadlayay ee Toddobaadkii hore dhacay.

Sidoo kale, Xildhibaannada baarlamaanka qaarkood ayaa sheegay in su’aalo adag ay weydiin doonaan madaxda ha’yadaha amniga, kuwaasoo ay ka mid noqon doonaan dilalka lagu hayo dhallinyarada kexeeya mooto Bajaaj-ta oo si aad ah ugu soo badanayay Muqdisho.

Xubnaha maanta looga yeeray baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore sidoo kale u oo xadiray inkastoo muran iyo buuq uu ku dhammaaday kulankii la filayay in su’aalaha lagu weydiiyo, inkastoo muranka intiisa badan heshiis laga gaaray.

Ugu dambeyn, Kulanka maanta ee su’aalo weydiinta madaxda hay’adaha amiga dalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay Muqdisho lagu dilay in ka badan lix qof oo ay ku jireen dhalinyarada kexeeya mooto Bajaaj-ta, ayna dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka dhallinta Bajaaj-yada.

PUNTLAND POST