Hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Bari

Wasiirka Amniga dowladda Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya lagu dilay duqeyn maanta ka dhacday nawaaxiga tuulada Xariiro ee gobolka Bari.

Wasiirka ayaa VOA-da u sheegay in hoggaamiyaha la dilay uu la dhintay qof kale oo aan weli la aqoonsan kadib markii la duqeeyay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen.

Hoggaamiyaha la dilay magaciisa ayaa wasiirku ku sheegay, Cabdixakiin Dhoqobeed, balse faahfaahin kale kama bixin.

Mudane Gallan ayaan sidoo kale ka hadlin, dalka laga leeyahay diyaaradah duqeynta geystay, inkastoo dowladda Maraykanku hore duqeyma uga fulisay degaannadaasi.

PUNTLAND POST