Duqeyn ka dhacday gobolka Bari ee Puntland

Wararka ka imaanayaa tuulada Xariiro oo hoostagta degmada isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegay in duhurnimadii maanta halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqeynta ayaa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsan shakhsiyaadka saarnaa balse dadka degaankaasi ku sheegeen laba ruux.

Qof ku sugan nawaaxiga tuulada Xariiro oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in mudda duqeyntu ku socotay gaariga ilaa uu ka shiilmay oo gebi ahaanba bas-beelay, isagoo xusay in laba qof saarnaayeen gaariga, laakiin jirkood gubtay oo aan la kala garan.

Diyaaradaha duqeynta geystay iyo shakhsiyaadka la beegsaday ayaan midna weli Puntland Post faahfaahin ka helin.

Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaan iyana war ka soo saarin duqeynta halkaasi ka dhacday.

Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland post