Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo la magacaabay

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland,  Jaamac Faarax Muuse ayaa magacaabay, xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo ka kooban 5 xubnood.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka, ayaa guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Puntland loogu magacaabay, Maxamed Cali Muuse, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay, Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax.

Mustafe Cabdiraxmaan Xassan ayaa isna loo magacaabay, madaxa Tartamada Xiriirka,  iyadoo Cabdixakiin Siciid Muuse loo magacaabay, madaxa Farsamada ee xiriirka, halka madaxa maaliyadda loo magacaabay, Xassan Barre Ducaale.

Halkaan ka akhriso dikreetada.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar