Wasiir sheegay in dhagaxda Wadooyinka lagu xiray ay xoojinayaan Ammaanka Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Waxbarashadda Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in loo baahan yahay in Muqdisho la soo dhigo dhagax hor leh si loo xaqiijiyo amniga guud ee caasimadda, loogana hortago falalka amniga wax u dhimaya.

Wasiirka Barre, ayaa xusay in shacabka looga baahan yahay inay dhagaxda sii dhigaan meelaha hadda aysan oolin, iyadoo hadalkan lagu tilmaamay in uu yahay mid horseedaha in dhibaatada shacabka haysata lagu sii xoojiyo.

Sidoo kale, Dhagaxda waa-weyn ayuu sheegay in ay sugayaan ammaanka caasimadda, iyadoo ay xusid mudan tahay in magaalada ay ku sugan yihiin boqolaal askari oo la sheegay inay amniga sugayaan.

Goodax Barre ayaa wuxuu tusaale u soo qaatay dalka Aljeeriya oo uu xusay in dhagaxaan lagu sugay amniga dalkaas oo dhan, isagoo sheegay in sidoo kale ay Muqdisho mudan tahay in dhagaxaanta lagu sugayo amnigeeda.

“Jidadka yar-yar oo dhan waa in dhagaxaan lagu jaro, si magaaladu ay u nqooto mid hal albaab laga soo galo, waxaana tani ay qayb ka tahay sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Goodax.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay in meelaha dhiman ee Muqdisho iyagana ay u dajiiyeen qorshayaal kale oo lagu xaqiijinayo amnigooda, inkastoo uusan xusin waxa ay noqon doonaan qorshayaashaas.

Waddooyinka xiran ayaa waxay dhibaato badan ku keeneen xoogsatada iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta degmooyinka Muqdisho, iyagoo ka dalbada inta badan dowladda dhexe in waddooyinka loo furo si ay ugu fududaato inay goobaha waxbarasho iyo kuwa shaqo ay si dhaqso ah ugu gaaraan.

Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka Waxbarashada Somalia ayaa dadka sida aadka u falanqeeya siyaasadda Somalia waxay ku tilmaameen mid jees-jees ah oo aysan ka ahayn dhab, balse uu doonayo in xukuumadda uu ku taageero fikirkeeda, maadaama uu xubin ka yahay xukuumadda hadda jirta.

PUNTLAND POST