Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland, ayaa shaacisay in laba cisha kadib ay bilaabayso, ol’ole lagu ganaaxayo gaadiidleyda aan weli bixin canshuurta saddex-biloodka ah ee dowladda.
Wasiirk ku xigeenka Maaliyadda Puntland, Cumar Xassan Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, ayaa ku wargeliyay gaadiidleyda in ay si deg deg ah u bixiyaan canshuurta lagu leeyahay, haddii kalena ay mudan doonaan ganaax lacageed oo uusan cayimin.
Sidoo kale, wasiirka ayaa caddeeyay in madaxda ugu sarraysa Puntland aysan canshuur bixin, isagoo xusay in ay ku dhuumanayan xasaanaddda xilka ay hayaan, balse wuxuu ku hanjabay in aan loo dulqaadan doonin mas’uul xasaanadiisa kaga dhuunta canshuurta ku waajibtay.
Halkaan ka daawo
PUNTLAND POST