
Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in khilaafaadka dhulka ee magaalada uu marayo heerkii ugu xumaa, oo u baahan in dhakhso wax looga qabto.
Gu’jir ayaa sheegay in duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo mudda kooban xilka haya uu muujiyay karti shaqo, islamarkaana uu abuuray mashaariic badan, kuwa kalena hirgeliyay, balse ay wakhtigan hor taallo caqabadda arrimaha dhulka oo maareyn iyo xallin deg deg ah uga baahan.
“ Axmed Barre waxaa hor taalla oo tijaabo ah, taasoo maareyn iyo xallin uga baahan, khilaafaadka dhulka oo maraya heerkii ugu xumaa, una baahan waxqabad muuqda iyo go’aan-qaadasho deg deg ah, waxaana diyaar u nahay gobol ahaan, in aan kala shaqeynno marxalad kasta oo soo foodsaarta caasimadda” ayuu yiri Gu’jir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafaadka la xiriira bogcadaha dhulka ee lagu dagaallamo, ay khatar muuqata ku yihiin amniga iyo xasiloonida caasimadda Garoowe , haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban dowlad iyo shacab.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
You must be logged in to post a comment.