Askari ka tirsan Ciidamada DF oo si bareer ah dad shacab ah ugu toogtay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa saaka oo Sabti ah si bareer ah Muqdisho ugu dilay laba qof oo midkood uu ahaa dawaral mooto Bajaaj, halka qofka kalena uu ahaa shacab rakaab ahaa oo saarnaa mootada.

Falkan dilka ah oo ka dhacay isgoyska Hawl-wadaag ee Muqdisho ayaa yimid kaddib markii askariga iyo darawalka Mooto Bajaaj-ta uu soo dhex-galay muran aan la ogeyn illaa hadda wuxuu salka ku hayay.

Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in askarigu uu si toos ah u rasaaseeyay darawalka iyo qofka rakaabka ah ee uu waday; kuwaasoo isla goobta ku geeriyooday.

Dilka kaddib ayaa waxaa goobta gaaray ciidammo badan oo k tirsan kuwa Dowladda Somalia, iyagoo maydadka goobta ka qaaday, waxaana la sheegay in askarigii falka dilka ah geystay uu goobta ka baxsaday.

Ma ahana markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidamada Dowladda uu toogasho ku dilo darawal Mooto Bajaaj, waxaase xilliyadii ugu dambeeyay kusoo kordhayay Muqdisho dilalka ay askartu u geysanayaan dawarallada kexeeya Mooto Bajaaj-ta.

Dhanka kale, Dilalka ayaa waxay soo kordheen markii xukuumadda hadda jirta la doortay, iyadoo xiligii ay jirtay dowladdii Xasan Sheekh aysan jirin wax dilal ah oo loo geysto darawallada Mooto Bajaaj-ta oo Muqdisho aad ugu badan.

Ugu dambeyn, Falalkan dilalka ah ee ay geysanayaan askarta DFS ayaa loo aaneynayaa iyadoo uu hoos u dhacay xukunnada dilalka ah ee lagu fuliyo askarta geysta dilalka iyo kooxaha kale ee falalka amni-darro ka sii wada Muqdisho.

PUNTLAND POST