MADXWEYNE FARMAAJO: Waxaa naga go’an in aan ogaanno tirada guud ee Ciidamadeenna

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay tirakoobka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ay labadii sano ee lasoo dhaafay dhibaatooyin kasoo wajaheen tira-koobka ciidamada.

Farmaajo, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay go’aan ku gaartay in la tira-koobo ciidamada si loo siiyo qalabka iyo adeegyadda ay u baahan yihiin, balse arrintaas ay kasoo wajahday caqabad weyn oo cuuryaamisay DFS.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hadda laga gudbay caqabado badan oo dhinaca ciidamada ah, isla markaana loo gudbiyay in la tayeeyo ciidanka xoogga dalka.

“Dowladdu qorshe cad ayay ka leedahay ciidamada xoogga dalka, waxaana ka mid ah in la tira-koobo ciidamada, isla markaaana ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen Al-shabaab oo ah cadowgeenna,” ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Isagoo sii hadlay ayuu sheegay inay ka go’an tahay inay ogaadaan tirada guud ee ciidamada xoogga dalka, taasoo uu sheegay inay ku ogaan karaan in ciidamada dowladda ay saxan yihiin iyo in kale.

“Sababta aan ku doonayno inaan tira-koobka ciidamadan ku ogaanno ayaa ah in aan joogtayno bixinta xuquuqda ciidamada haba yaraadaane, waayo tani waa is-bedel, dadkuna isbedel ma jecla,” ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in wax walba oo ay ku qaadato ay ka go’an tahay inay xaqiijiyaan tirada ciidamada xoogga dalka, isagoo ku daray hadalkiisa in mushaar bixinta labadii sano ee lasoo dhaafay ay ahayd mid aad u badan, isla markaana ay qorsheynayaan inay helaan tiro sugan.

DHAGEYSO: Madaxweynaha DF oo ka hadlay Tira-koobka Ciidamada Xoogga Dalka

PUNTLAND POST