Kooxo hubeysan oo Dhakhaatiir Ajaanib ah ka Afduubay Magaalada Mandheera ee Kenya

Mandheera (PP) ─ Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa Magaalada Mandheera ee dalka Kenya ka afduubay laba dhakhtar oo ajaanib ah oo dadweynayay dad Soomaali ah, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan booliiska Kenya.

Labadan dhakhtar ee la afduubay ayaa la sheegay inay u dhasheen Dalka Cuba, kuwaasoo qayb ka ahaa dhakhaatiir ay dhawaan Kenya ka keensatay dalkaas, si ay qayb uga qaataan hawlaha caafimaadka dalkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda afduubka geysatay ay dileen ilaaladii labada dhakhar iyo sarkaal la socday oo Kenyaan ahaa, isla markaana ay la tallaabeen dhanka Somalia, inkastoo aan la ogeyn inay kooxaha afduubka geystay ahaayeen Al-shabaab inay kooxo kale yihiin.

Saraakiil u hadlay Booliiska Kenya ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin inay afduubkaan geysteen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ee gacan-saarka la leh Urur-weynaha Al-Qaacida.

Magaalada Mandheera ee dalka Kenya oo ku taalla xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya ayaa waxaa dhawr jeer ka dhacay afduubyo kala duwan oo loo geystay shaqaale iyo dhakhaatiir u shaqeynayay hay’ado samafal.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore sheegatay inay mas’uul ka tahay afduubyo, dilal iyo weerarro ka dhacay magaalada Mandheera iyo deegaannada ku dhaw, gaar ahaan kuwa soo xiga dhanka xadka.

Ugu dambeyn, Dhakhaatiirtan uo dhashay dalka Cuba ee maanta laga soo afduubay Mandheera ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo Cuban ah oo laga afduubo dalka Kenya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha afduubkan, waxaan kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE idmo.

PUNTLAND POST