Iska-horimaad culus oo ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose

Qoryooley (PP) ─ Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo tiro dhaawacyo ah uu dhaliyay dagaalkii xalay dhacay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka oo socday muddo saacado ah uu xooggiisa ka dhacay bartamaha degmada Qoryooley, iyadoo maamulka degmada iyo kan gobolka ay guulo ka sheegteen dagaalka oo si iskiis ah u joogsaday xilli dambe.

Sidoo kale, Dagaalka ayaa la sheegay inuu qarxay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen degmadaas, taasoo keentay in dagaalka iska horyimaad ah uu isku bedelo, ayna dhinacyadu isku adeegsadaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley, Maxamed Cabdi C/llaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo intiisa badan ka dhacay gudaha degmada, ayna iska caabiyeen xoogagii Kooxda Al-shabaab.

“Mar qura ayaan aragnay xoogagga Al-shabaab oo bartamaha degmada ku sugan, sababtoo ah koontaroolka kama soo gali karin ee jahooyin kale ayay kasoo galeen, dagaalka culus ayaana halkaas ka billowday,” ayuu yiri Cabdi.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in seddex ruux oo ka mid ah xoogagii Al-shabaab ay ku dileen dagaalka, iyagana uu khasaare aan badnayn soo gaaray, wuxuuna xusay in hal askari ay ku waayeen.

“Al-shabaab waan isaga filannahay, mana dhici karto inay naga adkaadaan, waayo shan sano ayaan la dagaalamaynay, waana sii wadaynaa inaan iska caabinno oo aanan u ogolaan inay magaaladeenna gacanta ku dhigaan,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagalkii xalay ka dhacay degmada Qoryooley iyo khasaaraha kasoo gaaray, balse goobjogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydadka shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah.

PUNTLAND POST