Mareykanka oo war kasoo saaray deeqaha uu siiyo maamul-goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaha ay ugu talo-galeen Soomaalida ay gacanta u gelin doonaan ciddii ay ku socotay ama ay khuseysay, isagoo meesha ka saaray in maamulada dalka loo marsiin doono deeqahooda dowladda dhexe ee federaalka.

Donald Yamamoto, ayaa sheegay in maamul-goboleed walba ay gaarkiisa u siin doonaan deeqdii ay ugu talo-galeen, taasoo uu sheegay inay ka dhigan tahay in maamul walba ay kula xisaabtami doonaan deeqaha ay gacanta u geliyeen.

“Kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya waa mid loogu talo-galay in ay si toos ah u gaarto shacabka ku nool dhammaan maamul-goboleedyadda dalka ka jira. Sababtuna waa inay yihiin kuwo u baahan taageeradeena inay u gaarto si toos ah,” ayuu yiri Donald Yamamoto.

Sidoo kale, Yamamoto ayaa sheegay in kaalmadda Mareykanka ee Soomaaliya aysan aheyn mid soo mari doonta Dowladda dhexe ee Soomaaliya, balse ay si toos ah ugu dhacdo maamul goboleedyadda iyo bulshadda la caawinaayo.

“Mareykanku Soomaaliya keliya ma siiyo deeq, balse dhammaan dalalka deeqda uu siiyo si toos ah ayuu u gaarsiiyaa cidda ay khuseyso,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Yamamoto oo aan sheegin in Somaliland si toos ah deeqda loo gaarsiin doono iyo in kale.

Dhanka kale, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wuxuu hadakiisa kusoo beegmayaa xilli dhawaan la hadal-hayay in Qaramada Midoobay ay deeqda ay ugu talo-gashay Somaliland ay si toos ah u siin doonto maamulkaas, halka markii hore loo marsiin jiray Dowladda Dhexe ee federaalka.

Ugu dambeyn, Dowladaha Caalamka ayaa inta badan Dowladda Soomaaliya lasii marsiiyaa si ay ugu qorsheyso maamul-goboleedyada dalka, taasoo hadda u muuqata inay soo af-jarmayso.

PUNTLAND POST