Hay’adda AAMIN AMBULANCE oo shaacisay in shaqadii laga joojiyay iyo Booliiska DF oo…

Muqdisho (PP) ─ Agaasimaha Hay’adda Gargaarka deg-degga ah ee Aamin Ambulance, Dr. C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadan oo la hadlay BBC Telefishin ayaa sheegay in booliiska Soomaaliya ay gaarsiiyeen warqad lagu hakiyay shaqada gar-gaarka deg-dega ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo booliiska Somalia uu hadalkan ka bixiyay jawaab dhaqso badan.

Dr. C/qaadir ayaa xusay inay u hogaansameen amarka dowladda ee ahaa in aysan tagin goobaha qaraxyada ay ka dhacaan, isagoo intaas ku daray inay booliiska weydiiyeen inay qaadi karaan haweenka foolanaya, si goobaha caafimaadka ay ug gaarsiiyaan, balse lagu war-geliyay in aan wali go’aan kasoo bixin.

Maamulka Aamin Ambulance ayaa intaas ku daray inaysan jirin kiis cad oo lasoo hor-dhigay, balse ay go’aansadeen hakinta shaqada illaa amar kale uu soo baxayo. Iyadoo maamulku uu sheegay inay hawshan soo wadeen muddo 12-sano ah ayna kusoo shaqeeyeen marxalado adag oo aysan arin dhibaato lagu geystay gaadiidkooda.

“Shacabkau waxay u baahan yihiin gurmad markii ay dhibaato ku dhacdo, innaguna waxaan ka shaqeyn jirnay inaan dadka gaarsiinno goobaha lagu daweynayo markii ay dhaawacyo soo gaaraan, waayo qofka haddii uu naf-baxo wax uu soo kordhinayo ma jirto,” ayuu yiri Dr. C/qaadir oo xusay inay amar kale ka sugayaan dowladda Somalia.

Dhanka kale, Taliska Booliiska Somalia ayaa war kasoo baxay lagu beeniyay inay amar shaqo joojin ah dul-dhigeen maamulka Aamin Ambulance, balse ay arrintu tahay in si wadajir ah loogu gurmado dadka markii musiibo ay dhacdo.

Taliye ku xigeenka Booliiska Somalia, Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo mid ka mid ah baraheeda bulshada soo dhigtay qoraal ay ku beeninayso jiritaanka amar kasoo baxay.

“Booliiska Soamlia wuxuu caddeynayaa inaysan jirin xayiraad lagu soo rogay hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance. Hay’addan, Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka,” ayay tiri Jen. Zakiya.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay intaas ku dartay. “Waxaan halkaan uga mahad-celinaynaa Aamin Ambulance iyo cid walba oo gurmadka deg-deg ah ka shaqeysa, waana ku boorrinayay Aamin Ambulance sida xil-kasnimada leh ee ay bulshadooda ugu shaqeeyaan. Waxaana naga go’an in si wadajir ah aan u wada-wajahno xaaladaha deg-degga ah ee yimaada, lagana gudbo isbarbaryaaca baahsan.”

Ugu dambeyn, Bulshada Soomaliyeed waxaan xasuusineynaa in Hay’adaha Amniga ay kala xiriiri karaan lambarka gaaban ee – 991 – si dhaqso loogu soo gurmado haddii ay dhibaato dhacdo, ayay taliye ku xigeenku hadalkeeda kusoo af-jartay.

PUNTLAND POST