![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/04/Amardambee.png?resize=960%2C640&ssl=1)
Wasiirka Gaashaandiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Maxamed ayaa shaqada ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaaradda , Sonkor Jaamac Geyre, waxaana uu si ku meel-gaar ah xilkaasi ugu magacaabay, Warsame Maxamud Xassan (Kaytoon).
Dikreeto maalmo ka hor ka soo baxday xafiiska wasiirka oo warbaahintu hadda heshay, ayaa lagu sheegay in kadib markii wasiirku qiimeeyay hawlaha horyaalla wasaaradda Gaashaandhiga, oo u baahan la’jaanqaadidda habraacyada cusub ee dhanka maamulka oo lagu meel-mariyay shirka amniga Qaranka, uu shaqada ka joojiyay agaasimihii guud ee Gaashaandhiga Sonkor Geyre.
Mas’uulka cusub ee loo magacaabay agaasimaha ku meel-gaarka ah ee wasaaradda Gaashaandhiga, Warsame Maxamud Xassan (Kaytoon), waxaa la sheegay in uu shahaadooyin sare ka haysto cilmiga Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Human Resource Management (HRM) oo uu kaga soo shaqeeyay dalka Maraykanka, isagoo sannadihii u dambeeyana ka shaqeynayey gudaha Soomaaliya.
Halkaan ka akhriso dikreetada
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/04/1post.jpg?resize=698%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/04/2Post.jpg?resize=698%2C960&ssl=1)
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.