Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku qaabilay wafdi uu hor-kacayo Lafta-gareen

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa maanta xafiiskiisa Villa Somalia wuxuu uu ku qaabilsay wafdi uu hor-kacyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Casiis Xasan Maxamed(Lafta-gareen) oo dhawaanahan ku sugnaa Muqdisho.

Kulankan ayaa ahaa mid ay labada dhinac isku waydaarsadeen xaaladda uu dalku marayo iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen wax ka qabashada sida ay sheegeen dhibaatooyinka dalka ka jira, gaar ahaan dhanka ammaanka.

Sidoo kale, Kulanka maanta ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka Koonfur-galbeed oo ka mid ah maamullada ka jira dalka iyo Dowladda Federaalka ah, si hawlaha horyaalla horay loogu dhaqaajiyo.

Dhanka kale, Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo xilliyadii u dambeeyay uu jiray khilaaf u dhexeeya maamullada dalka ka jira iyo DF, kaasoo salka ku haya habka ay u wada-shaqeynayaan.

Kulanka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaanaha madaxweynaha Somalia Maxamed Farmaajo uu casuumaad u fidiyay madaxda maamullada ka jira dalka, iyadoo dhawr jeer uu baaqday kulan uu madaxewynuhu isugu yeeray madaxda maamul-goboleedyada Somalia.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa lagu tiriyaa inay si weyn ugu xiran tahay madaxweynaha Koonfur-galbeed Lafta-gareen, iyadoo DF ay xirtay xilligii doorashada Koonfur-galbeed Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka soo goostay Al-shabaab, una taagnaa xilka doorashada Koonfur-galbeed.

PUNTLAND POST