Ciidamada naafada dalka oo Maanta banaan-bax ka dhigay Afaafka hore ee Villa Somalia

Muqdisho (PP) ─ Ciidanka naafadaha ee Somalia ayaa maanta dibadbax ku hor-dhigay xarunta madaxtooyada Somalia, kuwaasoo ka cabanayay inaysan ka helin dowladda xuquuqaadkii ay ku lahaayeen.

Ciidamadaan naafada ah, ayaa waxay u badan yihiin kuwii ka Qayb-galay dagaalkii 1977-kii ee dhex-maray Somalia iyo Itoobiya, kuwasoo dhawr jeer oo hore sidan oo kale ugu hor bannaan-baxay madaxtooyada, balse aan la ogeyn in xuquuqdooda ay heleen iyo in kale.

“Dhawr bilood ma aanan helin mushaaraadkii aan dowladda ku lahayn, sidoo kale waxaanan helin xuquuqaad kale oo aan dowladihii hore ka heli jirnay,” ayuu yiri mid ka mid ah ciidamadii naafada ahaa ee maanta bannaan-baxa dhigayay.

Sidoo kale, Ciidamada dibadbaxa dhigayay ayaa waxay sheegeen in DF ay u muqao mid iska illowday oo aanay xusuusteeda ku jirin, iyagoo sheegay inay u maleynayaan in lacagihii loo qoondeeyay lagu bixiyay waxyaabo kale oo aan habboonayn.

“Innaga iyo carruurteena dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa nagu haysta goobaha aan daggan nahay, mana haysanno mushaarad iyo xuquuqihii kale ee aan heli jirnay, waana nala dayacay,” ayay hadalkooda ku dareen xubno ka mid ah kuwii dibad-baxayay.

Dhanka kale, Bannaan-baxayaasha ayaa sheegay inay u soo dhaawacmeen difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, xilliganna ay mudan yihiin daryeel gaar ah inay ka helaan Dowladda Somalia, balse aysan mudnayn dayaca hadda haysta.

Ugu dambeyn, Dowladda uu Hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa mushaar siin jirtay ciidanka naafada Naafadda Xoogga dalka Somalia, balse muddooyinkaan dambe ayeeysan helin wax mushaaraad ah.

PUNTLAND POST