Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya uu yeelan lahaa oo baaqday iyo Shirar Socda

Muqdisho (PP) ─ Maanta Isniin ah waxaa baaqday kulankii Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhici lahaa xarunta Baarlamanka ee Muqdisho, kaddib markii xal loo heli waayay khilaafkii hareeyay baarlamaanka sabtidii lasoo dhaafay.

Baaqashada kulanka ayaa waxay muujinaysaa inuu jiro khilaaf aad u xoog badan oo u dhexeeya xildhibaannada baarlamaanka, kaasoo ka dhashay in saxaafadda kulankii sabtidii dibadda looga saaro iyo inaan laga saarin oo ay goobjoog ka ahaadaan.

Sidoo kale, Waxaa socda kulammo gaar ah oo la doonayo in xal looga gaaro murankii dhashay sabtidii, kaasoo wasiir ka tirsan xukuumadda, ahna xubin baaramaanka uu xildhibaannada qaarkood ku eedeeyay inay yihiin xubno u adeega Al-shabaab.

Hadalka Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa meel xun gaaray, iyadoo uu xildhibaan uu ku tilmaamay inuu Al-shabaab yahay uu isna sheegay inuu dacwad ka furtay hadlkaas, isla markaana uu qareeno qabsaday, uusanna uga hari doonin hadalka gefka ah ee uu u geystay.

Kulankii Dooda Amaanka dalka ayaa keentay in xildhibaannada ay ku kala qayb-sameen arrintaas kaddib markii guddoonka uu soo jeediyay in fadhiga uu noqdo mid xiran halka xildhibaano kale ay kasoo hor-jeesteen aragtidaas iyadoo ugu dambeyn uu guddoomiyuhu xiray kulanka

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka DF, Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in kulanku uusan maanta furmi karin, isla mrakaan ay dib u dhigteen illaa maalinta Arbacada ah ee soo socta, si ay xal uga gaaraan khilaafkii baarlamaanka.

Ugu dambeyn, wararka kale oo la helayo ayaa sheegaya in guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ay ka shiri doonaan sida laga yeelayo kulamada soo socda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo u muuqda mid u xuubsiibanaya fowdo.

PUNTLAND POST