Waddamada IGAD oo sameysanaya Ciidammo ilaaliya Khayraadka Badaha Gobolka

Muqdisho (PP) ─ Waddamada Geeska Afrika ayaa isku raacay dhismaha ciidammo wadajir ah oo ka-hortga faragelinta  khataraha ah ee kheyraadka Badda iyo Ammaanka Badda Cas iyo Gacanka Carbeed.

Guddi ka socday dalalka xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD oo kala ah; Somalia, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa waxay toddobaadkii hore kulan ku yeesheen magaalladda Nairobi ee xarunta Kenya, iyagoo dhisay koox hoggaamisa hawl-galkaas khaaska ah ee lagu difaacayo danaha gobalka iyo kheyraadkiisa.

Wararka ayaa intaas ku adray in go’aankan uu dhiiri-gelinayo baahida loo qabo inay dowladaha Geeska Afrika yeeshaan dan-guud oo ku aaddan ammaanka iyo dhaqaalaaha guud ee gobolka.

Arrinta ugu weyn ee ay dalalka gobolku ka walaacsan yihiin ayaa la xusay in ay tahay amniga badaha, tahriibka, argagixisadda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-baddeeda, wasaqowga hawada iyo haraagga wasaqda kiimikadda ee lagu daadiyo badaha Geeska Afrika.

Sidoo kale, Go’aanka lagu dhisay ciidamada wadajirka ah ee Gobolka ayaa yimid kaddib markii ay kordheen tartammada loogu jiro kheyraadka badda sida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Saldhigyadda milliteriga ee dalalka ay ka mid yihiin; Shiinaha, Maraykanka, Turkiga iyo Imaaardaadka Carabta ay ku yeesheen xeebaha gobalka.

Ciidankan waxay kaloo fududeyn doonaan siyaasadda Wada-xaajoodka ee dalalka Gobalka iyo jilaayaasha caalamka iyo horumarinta mowqif guud ee lagu badbaadinayo danaha amni iyo midda dhaqaale ee gobolka.

Danjire Maxamed Cali Guryo ayaa madax u noqon doona kooxda ciidanka maamulaya, ayaa sheegay in gacan-biyoodka baabul-mandab oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan caalamka uu xaqiijinayo qiimaha gobalka ee ganacsiga maraakiibta calaamka iyo bad-qabkooda.

Ugu dambeyn, Ergayga ayaa sheegay naysan jirin cid doonaysa in la car-qaladeeyo marinkaas muhiimka ah, isla markaana dagaallada dalka Yemen, kontorool la’aanta muhaajiriinta iyo joogitaanka kooxda Daacish ee waqooyiga Somalia ay dib u soo celin karaan falalka burcad-baddeednimada.

PUNTLAND POST