Mas’uuliyiin ka socda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo Garoowe ka degay

Guddoomiyaasha BDG iyo G/K labaad BFS

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad, iyo gudoomiyayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa goor dhoweyd soo gaadhay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ujeedka socdaalka mas’uuliyiintan u yimaadeen Garoowe ayay ku sheegeen ka qeybgalka shirka golayaasha xeer-dejinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo Isniinta berriya ka furmaya magaalada Garoowe ee caaasimadda Puntland.

Shirkaan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayay ku kulmaan golayaasha xeer-dejinta heer Federaal iyo dowlad goboleed gaar ahaanna guddoonnada golayaashaasi oo kaga tashada arrimaha ku saabsan shuruucda dalka.

PUNTLAND POST