Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in guulo ay ka gaareen hawl-gallo ay sameeyeen

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen kaydkii hubka ee ugu ballaarnaa ee ay Al-shabaab lahayd, kaasoo ku aasnaa deegaanka Ceelasha-biyaha ee dulleedka Muqdisho, ayna sidoo kale qabteen dad ka tirsan Al-shabaab oo falal amni-darro damacsanaa.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliika Soomaaliya, Jen. Zakiyo Xuseen Axmed oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in qabashada kaydka hubka ay u suuro-gelisay xogo ay ka heleen shacabka deegaankaas ku nool.

“Hubka laga soo saaray god ku yaalla deegaanka Ceelasha-biyaha wuxuu isugu jiray hub fudud iyo mid culus,” ayay tiri Jen. Zakiya, iyadoo hadlakeead sii wadata ayay ku dartay in hubkan ay u aqoonsadeen inuu ahaa kaydkii ugu weynaa ee ay isticmaali jireen Al-shabaab, gaar ahaan kuwa ka hawl-gala Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw-dhaw.

Jen. Zakiya oo sii wadatay hadalka ayaa waxay tiri. “Waxaa hubkaan ka mid ahaa, bambooyin, waxyaabaha qaraxyada laga smeeyo, rasaas iyo sidoo kale suumanka qarxa. Waana guul weyn u soo hoyatay dowladda.”

Sidoo kale, Taliska booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 49-ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab, lana marsiin doono sharciga.

“Xubnaha Al-shabaab ee gacanta ku dhignay waa lagu soo kala qabtay hawl-gallo ka dhacay degmada Afgooye iyo deegaanka Sabiid oo kawada tirsan gobolka Shabeellada Hoose,” ayay hadalkeeda ku dartay Jen. Zakiya.

Dhanka kale, Taliye ku xigeenka ayaa sheegtay in 35 qof oo ka mid ah dadka la qabtay laga soo qabtay degmada Afgooye, halka 14-ka ruux ee soo hartayna laga soo qabtay deegaanka Sabiid oo aan ka fogeyn Afgooye.

Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay inay fashiliyeen maalmihii lasoo dhaafay falal amni-darro oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaasoo Al-shabaab ay doonayeen inay la beegsadaan bartilmaameedyo bulsho iyo kuwo dowladeed.

Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaan weli ka hadlin hubka la sheegay in ay lahaayeen oo gacanta u galay dowladda Soomaaliya, waxaana tani ay ku noqon kartaa dhabar-jab weyn kooxda Al-shabaab.

PUNTLAND POST