Xildhibaanno siyaabo kala duwan uga hadlay Baaqashadii shirkii Barlamanka

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa baaqashadii kulankii maanta ee Baarlamaanka Somalia uu ka yeelan lahaa amniga dalka siyaabo kala duwan uga hadlay, iyadoo xildhibaannada qaarkood ay eedda dusha u saarayeen guddoomiyaha baarlamaanka.

Wasiirka Waxbarashada Somalia, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DF, C/llaahi Goodax Barre oo la hadlay warbaahinta markii kulanka la baajiyay ayaa sheegay in kulanka ay baajiyeen xildhibaanno xiriir la leh Al-shabaab oo doonaya inay xogta u gudbiyaan.

“Kulankii baarlamaaka waxaa baajiyay xildhibaanno abuuray fowdo, kuwaas oo u adeegaya Al-shabaab,” ayuu yiri Goodax Barre oo intaas ku daray inay doonayaan inay shacabka Soomaaliyeed baraan kuwa doonaya inaan waxba laga qaban amniga dalka.

Xildhibaan Goodax ayaa waxaa lagu tiriyaa inuu si weyn uug dhaw yahay xukuumadda Somalia, waxaana sidoo kale ka hadlay gooba xildhibaannada lagu tiro inay taageersan yihiin Dowladda oo baaqashada kulankii maanta ee baarlamaanka ku tilmaamay nasiib-darro.

Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada sida weyn uga soo horjeeda hab-maamulka dowladda federaalka ah ayaa isna ku tilmaamay baaqashada kulanka inay sabab u tahay hoggaan xumo.

“Baaqashada kulanka baarlamaanka ee maanta waxay caddeyn u tahay inay jirto maamul-xumo dhanka hoggaanka baarlamaanka ah, waayo ajandaha kuma jirin in saxaafadda aysan goobjoog u noqon iyo inay goob-joog u noqoto kulanka maanta,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Dhanka kale, Wuxuu tilmamaay inay waajib tahay in shacabku ay ogaadaan waxa baarlamaanka looga hadlayo, maadaama la sheegay in qorshuhu yahay in laga hadlo amniga, waana mid shacabka quseeya, isagoo xusay in aysan jirin sabab saxaafadda dibadda loogu saaro ama cod loogu qaado inay kulanka joogayso inay ka maqanaanayso.

Ugu dambeyn, Xlidibaanno dhowr ah oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Jeesow ayaa iyaguna sheegay in hoggaanka baarlamaanka ay tahay in la beddelo, maadaama ay ku guuleysan waayeen inay kulammada baarlamanaka si hab-sami leh u wadaan.

PUNTLAND POST