Madaxda Hay’adaha Amniga oo maanta hor-tagaya Barlamaanka si su’aalo…

Muqdisho (PP) ─ Madaxda ha’yadaha amniga Dowladda Somalia ayaa maanta hor-tagaya xildhibaannada baarlamaanka Somalia, iyadoo su’aalo laga weydiinayo xaaladaha amni ee dalka ka jira.

Xubnaha hortagaya kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka amniga, wasiirka gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa inuu furmo saacadaha hore ee maanta, balse haddii loo waayo kooram ay dhici karto inuu dib u dhaco, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in taliye ku xigeenka ha’yadda NISA, Fahad Yaasiin oo ka mid ah xubnaha loo yeeray uusan ka qayb-galayn kulanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Fahad Yaasiin uu dalka ka maqan yahay, isla markaana uu dibadda ka raaci doono wafdiga uu Hoggaaminayo RW Khayre oo maanta ku wajahan dalka Mareykanka.

Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa in xubnaha looga yeeray kulanka ay weydiiyaan su’aalo adag oo la xiriira amniga Muqdisho oo sii xumaanayay bilihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Xalay ayay golaha wasiiirrada yeesheen kulanka ay uga hadleen amniga iyo sidii xubnaha golaha wasiirrada ay baarlamaanka ula hortegi lahaayeen fikir mideysan oo ku aaddan dhanka amniga.

Ugu dambeyn, Muqdisho ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay, iyadoo qaar ka mid ah waddooyinka caasiimadda la xiray, iyadoo weli ay qaraxyadu ka dhacayaan goobo muhiim ah oo ka tirsan Muqdisho.

PUNTLAND POST