RW KHAYRE oo ku faanay in ay bixiyeen daymihii lagu lahaa Xukuumaddii Hore

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay bixisay daymihii lagu lahaa dowladdii ka horreysay, isagoo xusay in taasi ay ku timid dhaqaalaha daka oo si tartiib-tariib ah u soo kordhayay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Khayre ayaa xusay in maalintii ay xilka qabteen ilaa maanta aysan jirin cid dowladda Somalia lacago ku leh, bale uu sheegay inay bixiyeen 100-milyan oo Doollar oo lagu lahaa Dowladda hore oo isugu jira Mushaarka Ciidamada iyo Qandaraasyo dad la siiyay.

“Maalintii aan nimid illaa iyo hadda dowladda ma jirto cid deyn ku leh, balse waxaan bixinnay boqol milyan oo dowladihii hore lagu lahaa oo sidii ay tahay aan loo maamulin,” ayuu yiri RW Kheyre.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Somalia ay kasoo baxday dhammaan shuruudiihii ugu waa-weynaa iyo inay ganacsatada si joogto ah u bixiyeen canshuuraha, laguna bixiyay wixii mudnaanta lahaa.

Ugu dambeyn, Hadalka RW Somalia yaa kusoo aadaya xilli Todobaadyadii la soo dhaafay oo shalay ay ugu dambeysay ay jireen ciidammo ka cabanaya mushaar la’aan, kuwaasoo sheegay in mudo afar bilood ah aysan qaadan.

DHAGEYSO: Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu arrintan kaga hadlay;

PUNTLAND POST