Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay howlgalada ay wadaan ciidamada dowlada

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta salaaddii Jimcaha keddib ka hadlay Masjidka Villa Somalia ayaa bogaadiyay hawlgallada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay garab istaagga ay shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen hawlgallada socda.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo ka wado qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Puntland Post