Faafaahin Khasaarihii Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo…

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, toddobana kale dhaawacyo kala duwna ayaa kasoo gaaray qarax xalay lagu weeraray goob maqaayad ah oo ku dhaw Dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho, kaas oo ku yaalla degmada Xamar-jajab.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, iyagoo xusay inay ku dileen weerarkaan tiro ka mid ah ciidamada dowladda.

Dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxan ayaa la sheegay inay isugu jireen ciidammo iyo dad shacab ah, waxaana qaraxan uu burbur xooggan u geystay maqaahi uu qaraxu haleelay halkaasoo ay ku sugnaayeen dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Somalia, Jen. Zakiyo Xuseen Axmed oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay inay falkan uu ahaa mid ka mid ah falalka ammaan-darro ee ay Al-shabaab ka waddo Muqdisho, ayna shacabka ugu baaqayaan inay lasoo xiriiraan haddi ay dareemaan waxyaabo khatar ah.

Sidoo kale, Jen. Zakiyo ayaa waxay ugu baaqday suxufiyiinta inay si aad ah uga digtoonaadaan inay tagaan goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, illaa inta hay’adaha amnigu ay ka xaqiijinayaan inaysan jirin khatar kale oo goobta ka jirta.

Wariyeyaasha ayaa inta badan gaara goobaha ay Qaraxyadu ka dhacaan ka hor inta aysan tagin ciidamada amiga, iyadoo aan la ogeyn sida uu hadalka taliye ku xigeenka booliisku ku hir-geli karo.

Ugu dambeyn, Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa wuxuu kusoo beegmay xilli inta badan waddooyinka Muqdisho ay xiran yihiin, waxaana  tani ay shacabku iska weydiiyaan su’aalo badan.

PUNTLAND POST