Amniga Muqdisho oo aad loo adkeeyay iyo Maaradoon Maanta la Qabanayo

Muqdisho (PP) ─ Ciidamada amniga Somalia ayaa sii adkeeyay amniga guud ee Muqdisho xilli xalay qarax khasaaro geystay uu ka dhacay afaafaka hore ee dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa xiray qaybo badan oo ka mid ah Waddada masquulka badan ee Maka Al-Mukarama iyo Waddada dhex-marta degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee aada degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Sababaha waddooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay in saaka Muqdisho lagu qabanayo tartanka Orodka dheer sanadkan 2019-ka, kaasoo ay soo Qaban-qaabiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Shacabka ah ayaa intooda badan maanta lugeynaya walow ay tahay Jimco oo dadka intooda badan ay yihiin kuwo ka nasanaya oo uu aad u yar yahay socodka, iyadoo waddooyinka qaar loo diidayo inay shacabku maraan sababo la xiriira orodka dhacaya.

Tartankaas Orodka dheer ah ee maanta dhacaya ayaa ka billaabaya KM-4, wuxuuna ku eg-yahay taallada dal-jirka daahsoon oo ku taalla Degmada Boondheere, waxaana tartankaas uu yahay mid sanadkiiba mar la qabto.

Ugu dambeyn, Hay’adaha amniga Dowladda ayaa bixiyay digniino kale oo lagu carqaladeynayo amniga caasimadda, iyagoo shacabka ka dalbaday inay la soo xiriiraan haddii ay arkaan khatar dhanka amniga ah.

PUNTLAND POST