Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa si deg-deg ah ugu yeeray mas’uuliyiinta hay’adaha amniga dowladda, si wax looga weydiiyo xaalada amni ee dalka, gaar ahaan Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska afhayeenka Baarlamaanka, Maxamed Mursal oo la ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa loogu yeeray maalinta Sabtida oo ay taariikhda ku beegan 6-da Abriil wasiirada Gaashaandhiga, Amniga, Taliyeyaasha ciidamada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maalinta Sabtida looga hadli doono oo kaliya arrimaha amniga, waxaana tani ka dambeysay markii labaatameeyo xildhibaan ay soo jeediyeen mooshin lagu dalbanayo inay hor-yimaadaan Baarlamaanka madaxda hay’adaha amniga dowladda.
Ugu dambeyn, Xubnaha loo yeeray waxay kala yihiin; Wasiirka Amniga DF, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale], Wasiirka Gaashaandhigga, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda, Fahad Yaasiin, Taliyaha xoogga dalka, Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe], Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Asluubta Jen. Bashiir Goobbe iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow.
AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya;


PUNTLAND POST