Xuseen Carab: “Xamar shaqo uma soo doonan, waxaan ku laaban doonaa Somaliland”

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalana ah guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Golaha shacabka ayaa sheegay in meel xun uu marayo Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uu sheegay isagoo ka hadlayay kulan maanta Baarlamaanka Soomaaliya yeesheen in ay dib ugu laaban doonaan gobolada ay matalaan ee Waqooyi (Somaliland).

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan halkaan u soo doonin shaqo, balse ay u yimaadeen midaynta labada gobol hadii aysan wax dadaal ah ka socon dhanka Koonfurtana ay dib ugu laabanayaan Hargeysa iyo Somaliland.

“Meel xun ayuu marayaa wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxaana loo baahan yahay in xalkeeda la helo ama annaga waxaan ku laaban doonaa Somaliland, halkaan uma imaanin shaqo, waxaan u nimid in la isu keeno labada gobolka, hadii uusan jirin dadaalkaasna dib ayaa ugu laaban doonaa degaanadii aan ka nimid” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Puntland Post