Ciidamada amaanka oo Muqdisho ka baadi goobaya gaari qarax sida

Gen. Zakiya

Magaalada Muqdisho ciidamada amniga ayaa raadinaya gaari Laan guruusar ah oo qarax ismiidaamin ah sida, kaas oo Al-shabaab u diyaariyeena inay weerar ku fuliyaan.

Waxay ciidamadu galeen feejignaan badan si looga hortego weeraro qaraxyo ah kuwaasi oo laga cabsi qabo inay magaalada ka dhacaan.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed General Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay xogtan ah in gaadiiid Al-shabaab magaalada Xamar soo geliyeen, si ay qaraxyo ugu abaabulaan.

General Zakiya waxay shacabka ka codsatay inay lasoo wadaagaan hadii ay arkaan gaariga hadda la raadinayo xogtiisa hadii la arko.

PUNTLAND POST