Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay in ay dhaqaaale siiso Kooxda Al-shabaab

Nairobi (PP) ─ Siyaasi ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay dhaqaale siiso Al-shabaab, taasoo qayb ka ah gargaarka Somalia uu ugu deeqo caalamka, si loogu caawiyo shacabka ay dhibaatooyinku ku hansadeen.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay 10% dhaqaalaha ku baxa gargaar ay Al-shabaab siiso, si ay u fududeeyaan in gaargaarkiisa la gaarsiiyo goobaha loo wado deeqaha.

Golaha Ammaanka ee QM, ayaa dhawaan meel-mariyay qaraar lagu diiday in xiriir maaliyadeed lala yeesho kooxaha Argagixisada ah ama xitaa loo diro lacago goobaha ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Macharia Kamau ayaa sheegay  in Qaramada Midoobay ay lacag ku bixiso sidii gargaarka ay geyso Somalia uu u gaari lahaa goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab loona gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee dhulkaas ku nool.

Dhanka kale, Siyaasigan ayaa hadalkiisa ku daray in lacag dhan 12-bilyan oo shilinka Kenya ah ay Qaramada Midoobey Sanadkiiba uga baxdo Al-shabaab, taasoo ay ku helaan ogolaansho gargaarka lagu gaarsiiyo meelaha ay dadka gargaarka u baahan ku sugan yihiin.

Kooxda Al-shabaab ayaa ka talisa deegaano ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia, halkaasoo qaarkood aysan ka shaqeyn ha’yadaha ku shaqada leh gargaarka.

Ugu dambeyn Hadalka kasoo baxay sarkaalka u hadlay Dowladda Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf aan weli la xallin uu u dhexeeyo Dowladaha Somalia iyo Kenya, inkastoo labada madaxweyne ay kulammo horay u yeesheen.

PUNTLAND POST