Wiil uu dhalay Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta loo doortay Xildhibaan

Muqdisho (PP) ─ Doorasho maanta ka dhacday Muqdisho oo ahayd mid lagu buuxinayay kursigii uu ka geeriyooday marxuum Cismaan Cilmi Boqorre oo dhawaan lagu dilay Xamar ayaa waxaa ku guuleystay wiil uu marxuumka oo lagu magacaabo, Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Xildhibaan Cadnaan Boqorre ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi balse dad badan oo doorashada ka ag-dhawaa waxay daboolka ka rogeen in ruuxa la tartamay guuleystaha uu ahaa magic-u-yaal.

Ergooyinkii codka dhiibayay oo tiradoodu ahayd 51-ruux ayaa waxay codkii ay dhiibteen uu kala ahaa sidan; musharax Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa helay 48-cod, halka Axmed Cismaan uu helay laba cod oo keliya, sidoo kalena waxaa xumaaday hal cod.

Guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in kursiga xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday marxuum Boqorre uu ku guuleystay wiilkiisa Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre, uuna maanta wixii ka dambeeya yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ama aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in xubnaha doortay Cadnaan Boqorre ay shank a mid ahaayeen walaalihiis, waxaana falkan uu noqonayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo lagu soo doorto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka.

Ugu dambeyn, Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ahaa qofkii ugu da’da weynaa baarlamaanka 10-aad, waxaana kooxo hubeysan ay 23-kii Feberayo sanadkan ay ku dileen degmada Kaaraan, waxaana marxuumku uu kasoo jeeday gobollada waqooyi ee Somalia.

PUNTLAND POST