Ciidammo Booliis ah oo loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo amni-darro

Muqdisho (PP) ─ Taliska Booliska Somalia ayaa faah-faahinno ka bixiyay hawl-gallo ka socda Muqdisho, kuwaasoo lagula dagaallamaayo falal amni-darrada ee ka dhaca Muqdisho iyo musuq-maasuqa dalka ka jira.

Hadal ay soo saartay taliye ku-xigeenka Booliiska Somalia, Zakiya Xuseen Axmed ayay ku sheegtay in hawl-gallo ballaaran ay socdaan, isla markaana la xiray 23-askari oo ka tirsan booliiska Somalia.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegtay in askarta la xiray lagu soo eedeeyay falal la xariira musuq-maasuq, isla markaana dhawaan cadaaladda la hor-keeni doono, si looga abaal-mariyo falalka gurracan ee ay ku kaceen.

Dhanka kale, Zakiya Xuseen ayaa ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka dalka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka, gaar ahaan midka caasimadda oo dhawaanahan laga dayirinayay.

Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Muqdisho laga billaabay qorshe lagu sugayo amniga, waxaana ciidamada ku sugan baraha koontaroollada ah horay loogu eedeeyay inay fududeeyaan gaadiidka loo adeegsado Qaraxa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan booliiska iyo kuwa kale ee dalka loo xiro arrimo la xiriira musuq-maasuq ay ku kaceen, sida inay ka qaadan jireen xeryo kala duwan mushaaraad, taasoo haatan u muuqata in lasoo af-jaray.

Ugu dambeyn, Ciidammo fara badan oo loogu talo-galay inay ammaanka caasimadda sugaan ayaa waxaa la dhigay inta badan waddooyinka Xamar, kuwaasoo gaadiidka u diidaya inay magaalada isaga gooshaan.

PUNTLAND POST