Kulankii BFS ee maanta oo markale baaqday

Kulankii 1-aad ee kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday in maanta u qabsoomo ayaa markale dib u dhacay ku yimid.

Fadhigaan ayaa loo balansanaa in uu dhaco maanta oo Isniin ayaa lagu waday in warbixino looga dhageeysto guddiga dib u eegista dastuurka dalka.

Fariimo loo diray xildhibaanada ayaa lagu sheegay in kooram la’aan uu u baaqday kulankaasi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wajahaya jahwareeer siyaasadeed kadib markii sabtidii uu kooram la’aan u baaqday.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ajandaha amniga loo baahanyahay in Baarlamaanka looga hadlo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho