Kal-fadhigii shanaad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka oo Maanta furmaya

Muqdisho (PP) ─ Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu furmo kal-fadhiga shanaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, kaasoo guddiga joogtada ah ay go’aamiyeen in Maanta uu furmo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furo kal-fadhiga shanaad ee Aqalka Sare, waxaana kulankan ay ahayd inuu furmo 16-kii bishii aan ka soo gudbnay ee Maarso, balse uu u baaqday safarkii uu Madaxweynaha Jabuuti ku yimid Muqdisho.

Dhawaan ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu furay kal-fadhiga shanaad ee xildhibaanada Aqalka hoose, waxaana furitaanka kulamada Aqalka Sare uu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu ka dhex-jiro labada Aqal ee Baalamaanka DF, kaasoo aan weli xal waara laga gaarin.

Sidoo kale, Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta, waxaana xiran waddooyinka qaar ee Muqdisho, iyadoo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo xaqiijinaya amniga.

Ugu dambeyn, Furitaanka Kal-fadhigan shanaad ee Aqalka sare ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta uu baaqday fadhigii koowaad eek al-fadhiga shanaad ee  Aqalka Hoose, kaasoo uu khudbad ka jeedin lahaa guddoomiyaha baaramaanka Somalia.

PUNTLAND POST