Hawl-galo lagu Xaqiijinayo Amniga oo laga billaabay Degmooyinka Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Booliiska Somaia ayaa xalay hawl-gallo baaritaanno ah ka sameeyeen degmooyin badan oo ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana uu hawlgalkan billow u yahay qorshe lagu sugayo amniga Muqdisho sida ay ka dhawaajiyeen mas’uuliyiinta Dowladda dhexe.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay, kaddib muddo todobaad ah oo Muqdisho ay ka dhacayeen weerarro, dilal iyo qaraxyo ay waxyeellada ugu badan ka soo gaartay dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha la weeraray iyo halka ay qaraxyada ka dhaceen.

Ciidamada hawlgalka sameyayay ayaa sawirradooda lasoo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada, iyagoo hawl-galka ku jira ayaa waxaa la arkayay iyagoo baaraya guryaha qaar iyo alaabta dhex-taala, halka shacabka waddooyinka maraya iyagana la baarayay.

Guddiga amniga ee loo xilsaaray ammaanka Muqdisho, kuwaasoo ka kooban wasiirro, saraakiisha ciidan iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa ku kulmay saldhiga Degmada Wadajir, iyagoo ka hadlay xaaladda ammaan iyo hawl-gallada socda.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Ammaaka iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in guddiga ay ka hadleen xaaladda ami ee Muqdisho, sidoo kalena ay kormeereen goobaha ay hawl-gallada ka socdaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay soo jeediyeen baahiyaha ay qabaan ciidamada qaar, waxaana uu xusay in xaafadaha qaar ee Muqdisho ay weli hawl-gallo ka socdaan, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay muujiyaan dulqaad.

PUNTLAND POST