Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Kismaayo (PP) ─ Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyeen deegaanno ka tirsan hoostaga degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab, waxaana duqeyntan ka hadlay maamulka Jubbaland.

Sarkaal u hadlay Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta laga fuliyay qaar ka mid ah deegaannada ka tirsan degmada Bu’aale ay khasaar kasoo gaartay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Afhayeenka wwasaaradda Amniga Jubbaland, C/nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loola beegsaday xero ay degmada Bu’aale ku leeyihiin Al-shabaab, laguna dilay xubno uu ku jiray sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo kasoo jeeda Kenya.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaas in maamulka Jubbaland uu ku hawlan yahay baarista duqeyn xalay lala eegtay saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin tuulooyin hoostaga Bu’aale oo uu sheegay in qaarkood gawaari lagu gubay.

Dhanka kale, Al-shabaab weli kama hadlin duqeynta iyo warkan kasoo baxay maamulka Jubbaland, waxaase horay deegaannno ka tirsan kuwa ay gacanta ku hayso Al-shabaab ka dhacay duqeymo khasaare badan geystay.

Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa isku dayaya inuu xoojiyo dagaallada uu kula jiro maamullada dalka ka jira iyo dowladda dhexe, inkastoo haatan ay u muuqato Al-shabaab inay awood ahaan hoos u dhacday.

PUNTLAND POST