
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa magacaabay agaasimaha qaybta maamulka ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka.
Mudane Karaash ayaa madaxa qaybta maamulka ee xafiiskiisa u magacaabay, sarkaal lagu magacaabo, Ayaanle Faarax Cali Shire, sida ku cad dikreeto galabta ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka.
Ayaanle ayaa hore uga tirsanaa bahda waxbarashada degaannada Puntland waxaana uu macallin ka soo noqday qaar kamid ah jaamacadaha gaarka loo leeyahay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.