Dab khasaare hantiyadeed geystay oo ka socdo Guriceel

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dab khasaare geystay uu saakay waabarigii ka kacay xarumo gacansi oo ku yaala degmada Guriceel.

Dabka ayaa ka dhashay goob lagu keydiyo shidaalka oo ay yaalleen fuustooyin badan, kadibna waxa uu dabku gaaray cajab shidaal oo ay leedahay shirakadda Beder Guriceel.

Bubur baahsan ayaa gaaray qaybta maqaayadda iyo dhismayaal ganacsi ka kooban qaybo badan oo isku meel kuwada yaalla.

Welwel badan ayaa laga qabaa in dabku ku faafo goobo kale oo ganacsi mana jirto wax Dabdamis ah oo yalla magaaladda si dabka loo damiyo.

Dhamaan shirkaddaha Korontada magaaladda Guriceel ayaa la damiyay si looga taxadaro in fiillooyinka korontada uusan dab kalle ka dhallan.

Dabka ayaa weli kusii faafaya meello hor leh waxaana dadka magaaladda oo qaarkood yimid goobta ay ku dadalayaan sidii loo dami lahaa dabka, iyaga oo isticmaalaya inta ay awoodi karaan.

Puntland Post