Afhayeenka Shabaab oo Sababayeeyay Weerarrada ay ka fuliyaan Muqdsho

Muqdisho (PP) ─ Afhayeenka Ururka Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa ka warbixiyay sababta ay u kordhiyeen weerarrada ay ka geystaan Muqdisho, isagoo sheegay in caasimaddu ay noqotay meel ay ku badan yihiin cadowga kusoo duuleen dalka Somalia, iyaguna ay go’aansadeen inay kordhiyaan weerarada ay ka geysanayaan.

Cali Dheere ayaa xusay in Muqdisho ay tahay halka laga abaabulo weerarada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadka rayidka, iyaguna ay ka go’an tahay inay beegsadaan cadowga uu sheegay inay ku sugan yihiin Xamar.

“Meelaha lagu magacaabo Hoteelada ma ahan hoteello ee Keliya waa lagu magacaabay, meelaha aan weerarno waa xerooyin ciidan iyo xafiisyo ay degen yihiin saraakiil dowladeed, waxaad ogaataan Muqdisho hoteello waa ku yaalaan mana weerarnlo,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo jawaab ka bixinayay su’aal ahayd maxaad u weerartaan hoteellada.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri. “Hoteellada saxda ah ee shacabkau ay deggen yihiin ciid kuma wareegsana, oo dadaal laguma bixiyo sidii loo ilaalin lahaa, balse meelaha la weerarayo waxaa ku wareegsan ciidda AMISOM ay isticmaasho, haddii ay marka meesha hoteel tahay waxaas oo waardiye ah maxaa keena?.”

Sidoo kale, Cali Dheere ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka iyo shaqaalaha qaar aysan lahayn wasaarado sax ah, taasina ay keentay inay deegaan hoteello, ayna yihiin kuwaas goobaha ay beegsadaan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Al-shabaab ayaa ka hadlay gadoodka maalmihii u dambeeyay ay sameynayeen ciidamada dowladda Somalia, isagoo sheegay in dadka madaxda ah ay leexsadaan mushaarka ciidanka.

“Raggan mas’uuliyiinta u ah DF, dhamaantood waa dad dibadda ka yimid oo baasaboor shisheeye wata, mid kasta wuxuu og-yahay in afar sano kaddib uusan soo laabaneyn, marka wuxuu rabaa inuu halkii uu ka yimid ku laabto isagoo lacag ku shubtay xisaabtisa baniga, midkii ciidan loogu dhiibo wuxuu rabaa inuu cuno, midkii degmo loo dhiibo wuxuu rabaa inuu lacagta cuno,” ayuu yiri Cali Dheere.

Ugu dambeyn, Wuxuu afhayeenku ka hadlay ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM eek a baxay qaybo ka mid ahgobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aad ula socdaan dib u gurashada ay sameynayaan ciidamada Kenya siddeed sano kaddib.

PUNTLAND POST