
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay ilaa 14 mas’uul oo isugu jira wasiirro, wasiirro-ku xigeenno, agaasimayaal, guddoomiyaal iyo wakiilo Somaliland u fadhiisanaya dalalka debadda.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi, ayaa wasiirro cusub loogu magacaabay wasaaradaha, Warfaafinta, Gaashandhiga iyo Caddaaladda, waxaa sidoo kale wasiirro- ku xigeenno cusub loo magacaabay, caafimaadka, Warfaafinta iyo Arrimaha dibadda.
Mudane Biixi ayaa sidoo kale agaasimayaal guud u magacaabay wasaaradaha, Dastuurka, Biyaha, Warfaafinta iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, halka uu guddoomiye cusub u magacaabay hay’adda Shaqaalaha dowladda.
Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer iyo laba wakiil oo Somaliland u kala fadhiisan doona dalalka Ken iyo Imaaraadka Carabta.
Shaxdan hoose ka eeg

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.